MW Xasan Sheekh oo Wakiilka Midowga Afrika kala hadlay dhimista Ciidamada ATMIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding.

Kulanka ayaa lagaga wadahadlay  habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024 iyo ku wareejinta amniga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey daddaallada ay ku bixineyso dowladda dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo dalka iyo dardargelinta howlgallada wajiga labaad, kuwaas oo khatar ku ah nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha ciidamada ay ka gaareen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Shabaabka ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab  iyo Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka si loo gaaro Soomaaliya nabad ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor