HomeWararMW Xasan Sheekh oo Mareykanka hordhigay Dalab la xiriira cunaqabetynta hubka

MW Xasan Sheekh oo Mareykanka hordhigay Dalab la xiriira cunaqabetynta hubka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin. Austin ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha  horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin.

Austin ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha  horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

- Advertisement -

Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, isagoo warbixin ka siiyay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray wajigii 1-aad ee lagu xoreeyey deegaanno iyo magaalooyin badan oo Shabaabka joogeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah  Shabaabka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts