MW Xasan Sheekh oo magacaabay La-taliyihiisa Arrimaha Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta heyadaha dowladda, gaar ahaan xiriirka dowlad-goboleed ayaa u magacaabay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) in uu noqday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada.

Madaxweynaha oo ku soo xulay Lataliyaha aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo ayaa ku adkeeyey in uu door wanaagsan ka qaato qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, maamul daadejinta iyo kobcinta hannaanka Federaaleynta dalka, kuwaas oo mudnaan gaar ah uu siinayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaallda.

Xeerkan Madaxweyne Lr 29 oo lagu magacaabay Lataliyaha ayaa dhaqan galay; Axad, 04-ta bishan Sibteembar, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor