MW Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Safiir muddo xileedkiisa Idlaaday

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiyey dalka Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo uu dhammaaday muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Cabdifataax, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, waxa uuna u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Dhankiisa, Danjire Cabdifataax Cabdullaahi oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka gobolka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro  iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor