Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ruushka, Sergey Lavrov ayaa waxa uu shalay oo Jimco ahayd shaaciyey inuu Madaxweynaha JFS ka soo qeyb geli doono Shirweynaha labaad ee Dhaqaalaha ee Madaxweynayaasha dalalka Afrika iyo Ruushka ay bisha July ku yeelan doonaan magaalladda Saint Petersburg ee dalka Ruushka.
“Waxaan uga mahad celinaynaa Saaxiibadeena Soomaaliyeed, Go’aanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku gaaray inuu si Shaqsiyan uga soo qeyb galo Munaasabadda Shirka soo socda ee ay yeelan doonaan Madaxweynayaasha dalalka Afrika iyo Raashiya” sidaas waxaa yiri Wasiir Sergey Lavrov, mar ay isaga iyo dhigiisa Somalia, Abshir Cumar Jaamac si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabteen Caasimadda dalkaasi ee Moscow.
Wasiir Lavrov ayaa waxa uu xusay inay Dowladda Ruushka diyaar u tahay inay Taageero ka geystaan Dib-u-dhiska iyo Qalabaynta Ciiddnka Somalia, isagoo dhanka kale tilmaamay inay sii wadi doonaan Diyaarinta Kaadiriinta Boliska Soomaaliyeed
Waxa uu soo dhaweeyey Mowqifka Dheelitiran ee ay Dowladda Federalka Somalia ka qaadanayo Colaadda dalka Ukraine, waa sida uu Hadalka u dhigay.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ruushka waxa uu tilmaamay inay taageeraan doorkooda Mowqifyada Mashruuca ee Xukuumadda Federalka Somalia marka ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka wada xaajoonayaan Arrimaha dalka Somalia.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Abshir Cumar Jaamac Huruuse iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqshada ku jooga magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka,
W.Q Ustaad Nuuradiin