MW Xasan Sheekh oo Goordhaw la hadli doona Ciidanka Cusub ee kusoo tababartay Eriterea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in goordhaw uu la hadlo Ciidanka dhawan lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaasi oo dalka dib loogu soo celiyay kadib tababar ay kusoo dhammeysteen dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa jeedin doona Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku aaddan, dhiirragalinta Ciidanka dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ee Tababarka soo qaatay.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in ay socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee ku aaddan u diyaar garowga Khudbadda mdaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaar ka mid ah Waddooyinka Caasimadda ayaa xiran waxaana lagu arkayaa Ciidanka oo ammaanka guud xaqiijinaya.

Ciidanka dhawaan lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa la filayaa inay qayb ka noqdaan Howlgallada Culus ee dhanka ah dagaalamaayasha AL-Shabaab, waxaana Madxaynaha uu ku dhawaaqay dagaalloCulus, isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo shaaly uu jeediyay uu farriin ugu diray qaybaha kaladuwan ee Ciidanka Xoogga dalka ee dagaalka kula jira AL-Shabaab.

Waxaana intaasi uu ku daray inay xoojin doonaan dagaalada ka socda gobolada dalka,kuwaasi oo ay iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga iyo dadka degaanka, sidoo kale Ciidankaan Cusub oo Tababarkooda iyo hubkoodu u u dhammeystiran yahay ayaa la filayaa inay qayb ka noqdaan dagaalka socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor