HomeWararMW Xasan Sheekh oo Booqday Ciidamo ku biiraya howlgalka ka dhanka ah...

MW Xasan Sheekh oo Booqday Ciidamo ku biiraya howlgalka ka dhanka ah AS + Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar-galinaya halganka dalka ka socda ayaa maanta booqday Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 26-aad ee Ilaalo Qaran ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya. Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan Qaybta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar-galinaya halganka dalka ka socda ayaa maanta booqday Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 26-aad ee Ilaalo Qaran ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya.

Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran ee ku biiraya howlgalka dalka looga saarayo Al-Shabaab ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo AS, si ay garab u siiyaan Ciidanka.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka  gabagabada maraya.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts