MW Xasan Sheekh iyo MW Geelle oo xariga ka jaray Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaci Cumar Geelle ayaa xarigga ka jaray Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga oo xarunteeda laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladda Jabuuti hirgelinta Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga si jiilasha soo socda loogu keydiyo dhaqanka iyo taariikhda umaddooda Soomaaliyeed, laguna sii horumariyo afkeenna Soomaaliga ah.

“Af Soomaaligu waa xabagta isu haysa ummadda Soomaaliyeed. Waa diiwaanka keliya ee xanbaarsan dhaqanka, taariikhda iyo aqoonta dhaxalka ahee facba faca kale u soo gudbinayay. Waa summadda iyo baadisoocda aan kaga duwannahay quruumaha kale ee caalamka ku nool.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama maanta la hayo saldhiggii hagi lahaa suugaanta, afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay faa’iidada ballaaran ee ugu jirta dhammaan dadka Soomaaliyeed hirgelinta akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga, waxa uuna tilmaamay dadaalka dowladdiisu ay ku bixisay dhismaheeda, maadaama ay xuddun u tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadkeenna Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadam Barre Ducaale, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor