HomeWararMW Somaliland oo Aqbalay Is-casilaada Baashe Cawil, Magacaabisna sameeyay

MW Somaliland oo Aqbalay Is-casilaada Baashe Cawil, Magacaabisna sameeyay

Date:

Related stories

Maxamed Ordaaye: Sidee Muwaadin reer Togdheer ah u qabsaday Caalamka isagoo aan hadlin?

Maxamed Ordaaye, oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Duruqsi,

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay Is-casilaad uu u soo gudbiyey Wasiirkii ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibbada Somaliland Baashe Cawil Cumar oo khamiistii lasoo dhaafay xilkaas loo magacaabay.

Madaxweyne Biixi Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Istiqaalada Wasiirkii ku-xigeenkii Arrimaha Dibbada Somaliland Baashe Cawil Cumar uu isku casilaayay ay soo gaartay, isla markaana uu ka aqbalay.

Muuse Biixi Cabdi ayaa Baashe Cawil Cumar uga mahadceliyay muddadii koobneyd ee uu xilka haayay iyo howlihii kale ee u qabtay Somaliland, waxaana sababta uu isku Casilay Baashe lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta Saluug xilka loo dhiibay.

“Waxaa i soo gaaray qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta.  Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay” ayuu yiri Muuse Bixii..

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland oo Wareegto uu soo saaray ayaa waxaa uu xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibbada Somaliland ugu magacaabay Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble oo bedelaya Baashe Cawil Cumar.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories