Muxuu yahay Ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa in kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Sida uu qorshahu yahay ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Warbixin ku saabsan saameynta Cudurka halista ah ee COVID-19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada dalka iyo Warbixin ku aadan saameynta COVID-19 ee Ganacsiga.

Sidoo kale inta uu socdo kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa Akhrinta labaad lagu marsiin doonaa Hinside sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya oo todobaadkii hore Golaha Akhrinta Koowaad marsiiyeen.

Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray fariimo ku aadan inuu jiro kulan, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan, si loo dardar-geliyo shaqooyinka horyaalla Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horey u sheegay in Baarlamaanka uu sii shaqeyn doono ilaa iyo inta laga soo dooranayo Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media