Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u Cambaareeyay qaraxii shalay lala beegsaday Bas ay saarnaayeen Ciyaartoyda kooxda kubada Cagta ee JCCI ee ka dhisan Kismaayo.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu tacsi ugu diray ehelada dhalinyaradii ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ahaa dhammaantood Ciyaartoy.
Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha dhalinyarada ku dhaawacantay Alle uga baryay inuu Caafimaad siiyo, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee Kismaayo, isagoona falkaas dhacay ku tilmaamay mid arxan darrado ah.
“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland, anigoo dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dhaqso u bogsoodaan. Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay” ayuu yirin Rooble.
Inta la xaqiijiyay afar dhalinyaro ah ayaa ku geeriyootay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ahaa Ciyaartoyda kooxda kubada Cagta ee JCCI, kuna sii jeeday xiligii la qarxinayay Garoonka Wamo ee Magaaladaas oo ay ku lahaayeen Ciyaar.