Muxuu ka yiri Madaxweynaha Puntland Shirka Doorashada ee Muqdisho?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ee looga hadlayo doorashada dalka ka dhaceysa oo ka socda Muqdisho.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in Shirka uu shalay galay maalintii labaad uuna ku socdo Jawi wanaagsan, isla markaana uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo Maamulka doorashada la wareegay.

Deni ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Shirka Madaxda ee looga hadlayo xalinta khilaafka ka taagan doorashada, isagoona tilmaamay in qaabka uu hadda u socodo Shirka uu yahay mid horseedi karta in la qabto doorasho heshiis lagu wada yahay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in muhiim ay tahay in wax kasta oo khilaaf oo jira lagu dhammeeyo wadahadal, isla markaana la muujiyo isku tanaasul, wuxuuna Carabka ku dhuftay in arrintaas ay ku jirto maslaxad looga gudbi karo caqabado farabadan.

Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo sabtida ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Isniin ah galaya maalintii saddexaad oo xiriir ah oo Madaxda ay siweyn u doodayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor