Muxuu Guddoomiye Cabdi Xaashi kala hadlay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga?

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta oo sabti ah waxaa uu xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.

Safiirka ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi marka hore ugu tegay salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare.

Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha iyo Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Maxamed Saalax Almuwallad ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ee walaalaha ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Safiirka uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid, wuxuuna Guddoomiyaha ka hadlay muhiimada ay leedahay dardar-gelinta xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal, kuna saleysan dhinacyo kala duwan.

Safiirada dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa kulamo maalmahan ka wada Magaalada Muqdisho, iyagoona Madaxda ugu sarreeysa dowladda Federaalka Soomaaliya kala hadlaya xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor