Muxuu dhigayaa sharciga isgaarsiinta ee madaxweyne Farmaajo uu saxiixay

Wuxuu ahaa sharcigii ugu mudada dheeraa inta la ogyahay shuruucda la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya, wax ka badan 10 sanno ayuu baarlamaanka horyaalay, maanta ayaana kama dambeys uu saxiixay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabaddii uu sharciga ku saxiixayay madaxweyne Farmaajo ayaa hadal uu ka jeediyay waxa uu ku qirey hawsha adag ee laga maray sharcigan isgaarsiinta, wuxuuna yiri “Wax sahlan ma ahayn, anaa idiin sheegaaya, dadka waxay arkaan in aan maanta saxiixayno, laakiin waxaan soo galinay, shaqo aad iyo aad u faro badan”.

Nuxurka Sharciga oo kooban

Sharciga waxa uu ka koobanyahay 11 qeybood oo waaweyn iyo illaa 70 qodob oo ka kooban 35 bog oo qoraal ah, wuxuuna si guud ahaaneed uga hadlaya isgaarsiinta noocyadeed kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo isgaarsiinta ciidamadda.

Ma ahan mid aad u faahfaahsan, hoosna uma sii galayo arrinta ku saabsan canshuuraha iyo qidmooyinka laga qaadayo shirkadaha isgaarsiinta. Jaangoynta canshuurta waxa uu sharciga u xilsaarayaa hay’adda isgaarsiinta qaranka oo la tashanaysa wasaaradda maaliyadda.

Isgaarsiinta waxa ay ka mid tahay meelaha canshuuraha ugu badan ay uga soo xaroon karaan dowladda, taas oo ka imanaysa taleefoonada malaayiinka ah ee maalin kasta la’isu, ruqsadaha shirkaddaha ay ku hawlagaan, lacagaha badan ee taleefoonada la’isugu diro iyo qidmadda hirarka iyo moowjadaha.

Dakhliga kasoo xarooda isgaarsiinta noocyadeeda kala duwan ayaa waxaa lagu shubayaa qasnadda bangiga dhexe sida uu farayo sharciga maaliyadda Soomaaliya.

Sharciga waxa uu meesha ka saarayaa dhammaan sharciyadii kale ee uu dalka lahaa, gaar ahaan kii dowladdii dhexe ee jirtay ka hor 1991-dii, xiligaas oo aysan dalka ka jirin isgaarsiin gaar loo leeyahay, sharcigii jireyna uu ka hadlayay isgaarsiin ay dowladda leedahay.

 Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Qodobada inta badan sharciga waxa ay quseeyaan hay’addan awoodda badan, waxaana qodobada sharciga ka mid ah qaab dhismeedka haykalka maamul oo uu ugu awood badanyahay guddiga maamulka oo ka koobnaan doona 9 xubnood.

2 xubnood wax aka imanayaan wasaaradda, 3 kale waxa ay ka imanayaan shirkadaha isgaarsiinta ama xirfadlayaasha, ururada bulshada rayidka iyo ururka qareenada waxaa ka imanaya mid hal xubnood, iyo sidoo kale maareyaha iyo ku xigeenkiisa.

Golahan waa kuwa leh go’aanka kama dambeysta ah ee hay’adda isgaarsiinta qaranka, haddii ay noqon lahayd inta ay la’egtahay canshuurta ay bixinayaan shirkadaha isgaarsiinta, waliba sida laga yeelayo hantida kale ee isgaarsiinta dowladda ee guurta ama ma guurtada ah sida furaha dalka ee 252 iyo barta internetka ee (.So).

Maadaamaa ay tahay mid ka mid ah hay’adda ugu waaweyn ee daqli soo xaraynta, sharciga waxa uu shaqaalaha hay’addan u ogolaanayaa gunno ka dheeraad ah mushaaraadkooda oo lagu jaangooyay hadba daqliga ay soo xareeyaan.

Amniga iyo Isgaarsiinta

Sharciga waxaa banaanka ka ah isgaarsiinta ciidamadda oo lagu maamuli doono xeerar kale oo uu ka midyahay kan amniga.

Hase yeeshee sharciga waxa uu jiddeynayaa sida ku cad qodobka 66aad, in shirkadaha isgaarsiinta ay bixiyaan xogta la xiriirta qof isticmaala adeeggooda isgaarsiineed haddii ay soo dalbadaan laamaha ammaanka, balse ay tahay in maxkamad ay soo amartay baaritaankaas, waxaana shirkadaha laga mamnuucay in ay cid kale u sheegaan in ay xogtaas bixiyeen.

Isla qodobkaas ayaa faraya shirkadaha in ay illaaliyaan sirta xogta shaqsiga ee laga dalbaday.

Waxa uu sharciga waajibanayaa in shirkadaha ay diiwaangaliyaan nambarada taleefoonada ay horey u bixiyeen, iyo kuwa hadda kadib ay diiwaangalin doonaan, iyada oo qofka la weeydiinayo waraaqihiisa aqoonsiga.

Shirkadaha iyo sharciga

Sharciga waxa uu sheegayaa in uu illaalinayo xuquuqda shirkadaha, waxaa hay’adda isgaarsiinta uu farayaa sharcigan in ay illaaliso xogta ganacsi ee shirkadaha ay ka uruurisay.

Qeybta 5aad ee sharciga ayaa waxaa looga hadlayaa wada tashi lala yeesho shirkadaha isgaarsiinta si loo yeesho iskaashi iyo wadashaqayn dhab ah. Waxa uu sharciga cuskanayaa kan maalgashiga oo xuquuqo badan siinaya shirkadaha.

Waxaase shirkadaha uu sharciga ku qasbayaa isku-xirka adeegga Isgaarsiinta telefoonnada oo loo arkay dan guud, lagama maarmaana tahay in la isu furo khadadka shirkadaha kale duwan ee ka ganacsada adeegga telefoonnada” si loogu sahlo bulshada in ay isticmaalaan hal laf (SIM Card), oo ay kula xiriiri karaan dhammaan shirkadaha kale ee ka hawl-gala dalka” sida ku xusan qodobka Qodobka 50aad.

Qodob kale ayuu sharciga shirkadaha ku siinayaa xuquuqda in ay ku qodi karaan ama isticmaali karaan meel kasta oo dalka gudihiisa ka mid ah oo ay xarko marsanayaan, xitaa haddii uu yahay dhul si gaar ah loo leeyahay, waxaase shirkadaha waajib ku ah in ay burburka ay geystaan magdhow ka bixiyaan ama hagaajiyaan hawsha kadib.

Shirkadaha ayaa qoda laamiyada iyo waddooyinka si ay u galiyaan xarkaha taleefoonada.

Sida ku cad qodobka 2aad, sharciga waxa uu aqoonsanayaa dhammaan heshiisyadii ka horeeray xeerkan ee ay galeen shirkadaha isgaarsiinta dalka, balse waafaqsan shuruucda dalka, waxaana halkan soo gali kara heshiisyada lala galay shirkadaha isgaarsiinta shisheeye.

BBC Somali

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media