Muwadiniinta Baxrayn oo looga digay inay u socdaalaan laba Dal

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Boqortooyadda dalka Baxrayn waxay uga digtay Muwaadiniintooda inaysan u safrin dalalka Iran iyo Iraq, sababo dhinaca Ammaanka.

Wakaalladda Wararka Baxrayna ee BHA ayaa sheegtay in Muwaadiniintooda haatan ku sugan dalalkaasi loogu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan u so olaabtaan, sababo la xiriira Ammaankooda.

Dhanka kale, Shirkadda shidaalka Maraykanka ee Exxon Mobil waxay maanta sheegtay inay shaqaalahooda shisheeyaha kala soo baxeen Ceelka shidaalka ee Galbeedka Quna 1 ee dalka Iraq.

Shaqaalahaasi badankooda waxaa loo duuliyey magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka, halka kuwo kalena la geeyey Xeradda weyn ee Shirkaddaasi ku Gobalka Basra

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media