Muwaadiniinta Somaliyeed ee K/Afrika oo bilaabay Gurmadka fatahaada Baladweyne

Wararka aan ka heleyno dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaano badan oo ku yaalla halkaas ayna ku sugan yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed uu ka bilowday gurmad loo sameeynayo dadkii Baladweyne uu ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh Magaalada Cape-Town iyo deegaanada hoostaga ayaa si rasmi ah u bilaabay gurmad dhaqaale oo ay u uruurinayan shacabkii uu saameeyay fatahaada Wabiga ee ku noolaa Magaalada Baladweyne iyo duleedkeeda.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku fatahay Wabiga Shabeelle waxaana arrintaas saameyn ku yeelatay dadkii Magaalada deganaa oo u barakacay deegaanka Ceel-Jaalle.

Si kastaba waxaa deegaano badan oo kamid ah Soomaaliya ka socda gurmad xoogan oo loo sameeynayo dadkii uu saameeyay fatahaada Wabiga, waxaana gurmadka qeyb ka ah dowladda Soomaaliya iyo dowlado kale oo Soomaaliya taageera.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media