Wararka ka imaanaya Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed,kaasi oo kamid ahaa ganacsatada kunool dalkaas.
Dilka loo geystay Muwaadinka ayaa waxaa uu ka dhacay xafaadda Zola oo ka tirsan Strand Cape-Town ee Dalkan Koonfur,isla markaana waxaa u geystay kooxo Burcad ah oo hubeysnaa.
Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Cabdullaahi Ciise,kaasi oo kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunoolaa dalka Koonfur Afrika.
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdullaahi Muuse Kalgacal Yare oo ka mid ah Ganacsatada Deegaanka uu falka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika,kuwaasi oo sameeyay baaritaano ay ku baadi goobayaan ragii Burcada ahaa ee ka dambeeyay falkaas.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Cabdullaahi Muuse Kalgacal Yare in Ciidamada Booliska ay aqoonsadeen gaarigii ay wateen Bucada hubeysneyd ee dishay Macalin Cabdullaahi Ciise,kuwaasi oo goobta si deg deg ah ugu baxsaday.
Dhinaca kale Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mahad Qooreey oo ka mid ah Daraawalada ka shaqeeya Uber Taxis ayaa waxaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray rasaas ay fureen rag hubeysan,kuwaasi oo la tilmaamay inay rabeen in Muwaadika ay dhac u geystaan.
Sikastaba Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan dilal kala duwan iyo dhac loogu geystaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas kunool,isla markaana dalkaas ku leg ganacsiyo kala duwan,mana jirto cid wax ka qabata dilalka loo geysto Muwaadiniinta Soomaalida ah.