Muwaadiniin Soomaali oo Maanta la soo taagi doono Maxkamad ku taalla Zambia

Sida aynu ka soo xiganay Idaacadda Qaranka Zambia ee ZNBC waxaa la filayaa in maanta la soo maxkamadeeyo 2 Muwaadin oo Somali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Ciise Xuseen iyo Cumar Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Islaamka ee dalkaasi, SheekhSugzo Zimba.

Muwaadiniinta Soomaalida iyo Guddoomiyaha Golaha Islaamka ee Zambia. waxaa la filayaa inay maanta ka so ohor muuqdaan Maxkamad ku taallo Caasimadda dalkaasi ee Luzaka.

Saddexda Eedeysane ayaa la sheegay in loo haysto 13 fal-dembiyeed oo ay ku jirto inay Warbixin been ah siiyeen Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka ee dalkaasi iyo inay Tahriibayaal laga mamnuucay dalkaasi si sharci-darro ah ku soo geliyeen dalkaasi iyo inay taageeraan Tahriibayaasha aan sharciga lahayn.

Mid ka mid ah dacwadaha loo haysto saddexda Eedeysane ayaa la sheegay inay Fiiso u codsadeen Haweeney Somali ah oo lagu magacaabo Ifraax Xasan, si ay uga qeyb gasho Koorso Waxbarasho ee Dhaqanadda kala duwan oo lagu qabana lahaa Kulliyadda Kook ee Daraasaadka Calaamiga ee magacaabo Kook College of International Studies.

Dembi-baarayaasha dalkaasi waxay sheegeen inay xaqiiq ahaan waxba ka jirin inay Kulliyadda qabanayso wax Seminaar oo ku aadan arrintaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media