Soomaali ku xirnayd Kenya oo lagu waayey mas’uuliyadda weerarkii ka dhacay Suuq ku yaalla Nairobi.

Maxkamadda Milimani ee magaalladda Nairobi ayaa sheegtay in wax dembi ah lagu waayey Saddex Muwaadiniin Somali ah, kuwaasi oo lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen weerar bishii May ee sannadkii 2014-kii lagu qaaday Suuqa Gikomba ee magaalladda Naiorbi.

Weerarkaasi waxaa ku geeriyootay 10-qof, iyadoo Tobaneeyo kale ku dhaawacmeen.

Hadal ka soo baxay Maxkamadda Milimani ayaa lagu amray in la sii daayo Eedeysanayaashaasi oo lagu kala magacaabo C/raxmaan Jamaal, Maryan Cabdi iyo Jaweeriya Xasan.

Garsooraha Maxkamadda, Daniel Ogembo ayaa sheegay inay Baarayaasha Boliska ku guul-daraysteen inay keeneen Caddaymo rasmi ah muddada 2-sanno ee ay Eedeysanayaasha ku jireen Xabsiga.

Dhinaca kale, Maxkamaddu waxay ku heshay Eedeysanayaasha la sii daayey inay si sharci-darro ah ku joogeen Kenya iyo inaysan kala caddayn halka ay ka soo galeen, waxaana lagu xukumay inuu mid kasta bixiyo Ganaax dhan 50,000 oo Kenya Shillings ama loogu bedelayo Xabsi 12-bilood ah.

Waxaa kaloo la amray in loo masaafuriyo Somalia, marka ay bixiyaan Ganaaxa ama ay soo dhamaystaan Xabsiga halka sanno.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor