Muwaadiniin Soomaali oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Uganda

Shan qof oo 2 ka mid ahaayeen Soomaali ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay waddada isku xirta Degmooyinka Scroti iyo Lira ee Bariga dalkaasi.

Afhayeenka Boliska ee Bariga Deegaanka Kyoga, Michael Odongo aya sheegay inay dadkaasi ku geeriyoodeen Shil gaari, kadib, markii ay isku dhaceen gaari Xamuul iyo mid Booyadle shidaal oo marayey Tuulladda Ongunai ee Degmadda Soroti.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in garaiga xamuulka oo waday Shamiinto, Yaanyo iyo Basal waxa uu ku si ijeeday Degmadda Arua, halka Gaariga Booyadlaha oo shidaal ka soo qaaday dalka South Sudan, kuna sii jeeday Degmadda Haledoret ee dalka Kenya.

Afhayeenka waxa kale oo uu sheegay inay shilkaasi ku geeriyoodeen 3 qof oo u dhashay Uganda iyo 2 Muwaadin Soomaali ah, kuwaasi oo aan weli la aqoonsanin.

Maydadka Marxuumiintaasi waxaa la dhigay Isbitaalka Nakatunya ee Degmadda Soroti.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media