Waaxda Socdaalka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay Xabsiga dhigeen Muwaadin Somali ah, halka mid kalena laga soo masaafuriyey dalkaasi.
Shabakadda Wararka ee Lusakatimes.com ayaa qortay inay Ciiddanku qaadeen Hawlgal lagu baadi-goobayey Ajaaniib la sheegay inay ku lug leeyahay Hawlaha Tahriibka ee dadka lagu soo geliyo dalkaasi iyo kuwa u sii gudba dalka Koonfu Africa.
Hawlgalkaasi oo ka dhacay guud ahaan dalka Zambiaa ayaa la sheegay in 5 Ajaaniib ah oo uu ku jiray Muwaadin Somali ah oo lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Lusaka.
Dhinaca kale, Muwaadin Somali ayaa laga sooรย masaafuriyey magaalladda KABWE eedalkaasi, kadib, markii uu soo dhamaystay Xabsigii uu ku muteystay imuu si sharci-darro ah ku joogay Zambia.