Muwaadiniin Soomaali ah oo Dil iyo dhaawac loogu geystay Dal ka tirsan Afrika

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar ku qaaday Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa gudaha Koonfur Afrika, iyagoona u geystay fal isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Burcada ayaa weerarkaas ku qaaday dukaanka ganacsatadan Soomaaliyeed ay ku laheyd deegaan lagu magacaabo Cosmos oo ka tirsan Magaalada Johannesburg, iyagoona halkaas ku dilay laba Soomaali ah.

Sidoo  kale Raggii hubeysnaa ayaa horey dhaawac Culus ugu geystya meel ku dhow Cosmos Muwaadin kale oo Soomaaliyeed, isla markaana halkaas ku lahaa goob Ganacsi, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.

Dad yaqaanay laba Marxuum ee la dilay ayaa magacyadooda ku soo gaabiyay  Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyagoona ahaa Ganacsato hal dukaan ka wada shaqeynayay, waxaana goobta Meydadka ka qaaday Dad kale oo Soomaali ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u raadsaday Ganacsi, waxaana dalkaasi lagu dilay boqolaal qof, iyadoona aysan jirin cid weli iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Soomaalida loo geysanayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media