Muwaadiniin Somali oo uu ku jiro Iimaam Masjid oo lagu dhaawacay Toogasho ka dhacday Switzerland.

3 nin oo Somali ayaa lagu dhaawacay Toogasho gelinkii dambe ee shalay ka dhacday Markaz Islaami oo lagu tukado oo ku yaalla magaalladda Zurich ee dalkaasi.

Afhayeenka Boliska ee dalkaasi, Marco Bisa waxa uu Suxufiyiinta ugu sheegay meel ku dhow Masjid in nin hubeysan oo tacshiirad huwiyey dad ku cibaadaysanayey Masjidka, ka hor inta uusan baxsanin.

“Ninka aan la aqoonin waxa uu riday dhowr xabbad, kadibna waxa uu ka baxsaday goobta” ayuu yiri Afhayeenkaasi oo intaasi ku daray inay Toogashada ka dhacday gudaha Masjidka.

Waxa kale oo uu sheegay in saddexda qof oo sida xun loo dhaawacay da’dooda kala tahay 30-jir, 35-jir iyo 36-jir.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegayo in Iimaamka Masjidka oo lagu magacaabo Sheekh Mustafa Cali Khaliif ka mid yahay dadkii lagu dhaawacay Toogashadaasi oo dhacday Xilligii Salaadda Maqrib ee shalay.

Gaadiidka Ambalaaska ayaa lagu qaaday dadka ku dhaawacmay Toogashadaasi, iyadoo laga dayrinayo xalladda 2-dhibane ee kale ee iyagana la dhaawacay.

Xarunta Islaamiga ee Eisgasse oo la asaasay sannadkii 2012-kii waxaa inta badan ku tukada tiro badan oo Qaxooti u kala dhlaatay Somalia, Yemen iyo kuwo ka soo jeeda Waqooyiga dalkaasi.

Dhinaca kale, Abuukar Abshirow oo ka mid ah Soomaalida ku cibaadaysata Markaz-ka la weeraray ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inaysan marnaba la kulmin dad u yimid oo weydiiyey waxa ay ku sugan yihiin Markaz-ka.

“Waan walaacay. Masjidkan waxaa uu halkan ku yaallay tan iyo sannadkii 2012-kii, marna dhibaato lama kulmin, marna Boliska lama gelin wada-xaajood, mana dhex marin wax muran ah” ayuu yiri Abuukar Abshirow.

Dalka Switzerland waxaa ku yaalla 4 Masjid oo Minaarad leh, waxaana ku nool 500,000 oo qof oo Muslimiin ah, kuwaasi oo aan wax dhibaato ah ku qabin, inkastoo ay jiraan Kooxo Islaamka Nacayb.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor