Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay in Muwaadiniin Somali lagu daray Liiska dadka lala xiriiriyo Argagixisadda.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa daaha ka rogay Liiska 24 qof oo lagu tuhunsan yahay Argagixiso, kuwaasi Qaxooti ahaan ku galay Maraykanka.

Dadkaasi ayaa ka soo kala jeeda 7-da Waddan ee kala ah Somalia, Sudan, Syria, Yemen, Libya, Iraq iyo Iran, kuwaasi oo uu Madaxweyne Donald Trump bishii January 27-dii ka mamnuucay inay soo galaan Maraykanka.

24-ka Qaxooti ee la soo bandhigay ayaa la rumeysan yahay inay dalka Maraykanka soo galeen 8-dii sanno ee la soo dhaafay, waxaana markii dambe xiray Saraakiisha Xoojinta Sharciga ee dalkaasi.

Dadkaasi ayaa lagu soo oogay Dembiyo Argagixiso sida lagu xusay Dukumentigaasi oo uu Telefishinka FOX NEWS soo bandhigay.

24-ka magac ee la soo bandhigay ayaa kala ah: 10 u dhalatay Somalia, 6 Iraqi ah, 2 Sudan, 2 Irani ah, 1 qof oo Yemeni ah iyo mid Syrian ah.

Dukumentiga waxaa si khaas ah loogu muujiyey in Kiiska ugu dambeeyey galeen 2 Qaxooti Somali ah, kuwaasi oo lagu helay inay doonayeen inay ku biiraan Daacish iyo in dad ku soo dilaan gudaha dalka Syria.

HALKAN KA AKHRISO DUKUMENTIGA AQALKA CAD KA SOO BAXAY EE FOX NEWS TV SOO BANDHIGAY.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media