Muwaadin Soomaaliyeed oo loo xukmiyey Malaayiin Shillinka Kenya

Maxkamadda The Admiralty Court ee u xil-saaran Dacwadaha dhanka Badda ee ku taalla magaalladda Mombasa ee dalka kenya waxay xukumisay in 10-million oo Shillinka Kenya magdhow ahaan loo siiyo  Milkiilaha  Markabka Kalluumeysiga lagu magacaabo MV Nasiibu, kaasi oo labadii sanno ugu dambaysay ku xayirnaa Dekedda magaalladda Kilifi ee dalkaasi.

Garsoore NAJOKI MAWANGI oo ka tirsan Maxkamadda The Admiralty Court waxay u xukmisay Milkiilaha Markabkaasi, Muumin Cali Muumin lacag dhan 10-million iyo 290-kun ee shillinka Kenya iyo in lagu soo wareejiyo Markabkiisa oo lagu hayo Dekedda magaalladda Kilifi ee dalkaasi.

Garsoore NAJOKI MAWANGI waxay amartay inuu kharajkaasi bixin doono Ganacsade Kenyan ah oo lagu magacaabo Jamaal Maxamed Bandiira, kaasi oo horey u kireystay Markabkaasi oo  Shixnadaha Xamuulka ee laga soo qaado Dekedda magaalladda Kismaayo  u soo daabuli jirey Dekedda magaalladda  Mombasa.

Milkiile Muumin Cali Muumin waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in Markabkiisa si sharci-darro ah loo xayiray, taasina ay keentay inuu khasaaro Dakhli dhan  malaayiin Shillinka Kenya iyo inuu khasaaro soo gaaro Mishiinka Markabkiisa.

Waxa uu ku eedeeyey Ganacsade Jamaal Maxamed Bandiira mas’uuliyadda khasaarahaasi iyo inuu Markabka cilladoobo xilli uu Markabka Shixnad laga soo qaaday Dekedda Kismaayo uu u waday Dekedda Mombasa.

Dhinaca kale, Gnaacsade Jamaal Maxamed Bandiiro waxa uu buuxiyey Fayl-dacwo Qaansheegto ah oo uu ku sheegtay 720,000 oo Shillinka Kenya oo uu ku dooday inuu ku kharaj gareeyey Shaqaalaha Markabka oo weli ku jira Xabsiga, qalabka Dayaxtirka, Shidaalka, Cuntada iyo lacago caddaan oo la isticmaalay muddadii u dhexeysay bishii August 23-dii ee sannadkii 2016-kii ilaa bishii Maarso 22-dii ee sannadkii 2017-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor