Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu soo oogay weeraro ka dhacay Edmonton Kanada

Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay qabteen Nin Somali ah oo ku eedeysan inuu tooreey ku dooxay Sarkaal Bolis iyo inuu dhowr qof gaari ku jiirsiiyey magaalladda Edmonton ee Gobalka Alberta ee Galbeedka dalkaasi.

Boliska Kanada weli ma shaacinin magaca Eedeysanaha, balse, Warbaahinta dalkaasi waxay magaciisa ku sheegeen C/llaahi Xasan Shariif oo 30-jir ah.

Saraakiisha Boliska waxay sheegeen inay falkaasi u arkaan Fal Argagixiso, isla markaana ay Eedeysanaha  indhaha ku hayeen muddo 2 sanno ah, inkastoo aysan u arkin inuu yahay qof khatar ku ah Bulshadda ku nool Kanada.

Muuqaaladda Qarsoon ee CCTV ayaa laga dheehday qaabka ay u dhaceen Weeraraddaasi oo maalintii Sabtida ka dhacay magaalladda Edmonton, waxayna Boliska aqoonsadeen Ninkaasi oo toorey madaxa iyo wejiga kaga dhaawacay Sarkaal Boliska,

Waxa kale oo uu Eedeysanaha gaarigiisa jiirsiiyey 4 qof oo jidka dhinaciisa lugeynayey.

 

Dhinaca kale, Golaha Muslimiinta ku nool Gobalka Alberta ee dalkaasi waxay dhigeen Dibadbax ay  si wadajir ah ugu cambaareeyeen falkaasi, kuna tilmaameen mid aan ka turjumaynin Dareenka Dadka Muslimiinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media