Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Wararka naga soo gaaraya Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka ka tirsan dalkaas lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah dadka ganacsiga ku leh dalkaas.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay meel 750-KM u jirta Magaalada Pretoria ee Caasimadda Koonfur Afrika, waxaana Muwaadinka Soomaaliyeed falkaas u geystay  kooxo hubeysan oo burcad ahaa.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Cagadhidid Xasan, isla markaana waxaa uu mid kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Intaasi kadib goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa tegay qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed, iyagoona halkaas ka qaaday Meydka Marxuumka la dilay.

Inta badan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan oo loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh ganacsiyada kala duwan, iyadoona aysan jirin weli cid wax ka qabatay falalka Koonfur Afrka loogu geysanayo dadka Soomaaliyeed.

Comments
Loading...