Waxaa Maanta Magaalada Capetown ee Wadanka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka ku Ganacsada dalkaasi.
Koox burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa la sheegay in Muwaadinka markii hore ay ugu tageen dukaan uu joogay,kaasi oo ku yaalla Delft ee Magalada Cape town,ay dhowr xabadood ku dhufteen,isla markaana uu dhaawac culus soo gaaray.
Allaha u naxariisteen Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Jiinow Xuseen oo kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Muwaadinka markii dambe uu u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray rasaasta ay ku fureen Koox dburcad Koonfur Afrikanka ah,iyagoona dilka kadib goobta ka baxsaday.
Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa lagu dilay Soomaalida Ganacsi ahaan u tagto,waxaana Sanadkaan Cusub gudaheeda ka dhacay dilkii Afaraad,waxanan weli jirin cid loo soo qabtay dilkaas iyo cid u doodeysa dhibanayaasha intaba.