Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Canada

Wararka ka Imaanaya Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah dadka dalkaas kunool.

Rag hubeysan ayaa Muwaadinka ku dilay goob ku taalla Magaalada Toronto,waxaana geeridiisa xaqiijiyay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan dalkaas.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Farhan Jamac,kaasi oo kamid ahaa dhalinyarada sida weyn looga yaqaanay Magaalada Toronto,isla markaana ahaa Nina aad u firfircoon.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ragii hubeysnaa goobta ay ka dhaqaaqeen,kadib markii ay dilka u geysteen Farhan Jamac.

Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca falal kala duwan oo loo heysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media