HomeWararMuwaadin Soomaali oo u tartami doona Xildhibaanimo oo ka digay Qalaaso

Muwaadin Soomaali oo u tartami doona Xildhibaanimo oo ka digay Qalaaso

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Maxamed Cali oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain ayaa sheegay inuu u tartami doono Xildhibaanimadda Xisbiga  Muxaafidka UK ee magalladda Cardiff. Murashaxaasi oo haatan 35-jir ah waxa uu dalka Britain tegay isagoo 3-jir ah, kadib, markii ay isaga iyo qoyskiisa ka soo qaxeen colaadihii Sokeeye  ee Somalia. Waxa uu doonayaa haatan inuu Kursiga Xisbiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxamed Cali oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain ayaa sheegay inuu u tartami doono Xildhibaanimadda Xisbiga  Muxaafidka UK ee magalladda Cardiff.

Murashaxaasi oo haatan 35-jir ah waxa uu dalka Britain tegay isagoo 3-jir ah, kadib, markii ay isaga iyo qoyskiisa ka soo qaxeen colaadihii Sokeeye  ee Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu doonayaa haatan inuu Kursiga Xisbiga Shaqaalaha kala wareego Haweeneyda lagu magacaabo Anna McMorrin oo Kursigaasi ku fadhiday tan iyo sannadkii 2017-kii.

Waxa uu u xusul-duubayaa inuu noqdo Xildhibaanka Xisbiga Muxaafidka ee Waqooyiga magaalladda Cardiff, waa isku-daygiisii ugu horreeyey ee uu ku noqon  lahaa Siyaasi rajo weyn leh.

Murashax Maxamed Cali waxa uu sheegay haddii loo doorto Xildhibaanimo inuu xushmeyn doono dhamaan rabitaanka dadka.

- Advertisement -

“Waxaan saddexdii sanno ee ugu dambeysay ka shaqeynayey La-dagaalanka Argagixisadda, waxaana soo arkay Tiro-koobka iyo Xogaha” ayuu yiri.

Murashaxa waxa kale oo uu sheegay inuusan u diyaarsanayn inuu arko dalka Britain oo madaxa la gala Qalalaase iyo in loo horseedo Dagaal sokeeye, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu og yhaay waxa uu dagaal yahay, maadaama uu ka soo qaxay Somalia.

Murashaxa oo weli saldhigiisu yahay magaalladda London waxa uu La-taliye ahaan ula shaqeeyaa Boliska La-dagaalanka Argagixisadda iyo Hawlaha Bulshadda la leeyihiin Boliska Dhexe ee London.

Sidoo kale, waxa uu weli yahay Maareeyaha Sare ee Xisaabaadka ee Shabakadda Caalamiga ee Xayeysiinta ee M & C Saatchi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts