Marxuum C/fataax Osman “Upti†oo 31-jir ah ayaa lagu dilay Toogasho ka dhacday caasimadda dalka Kanada ee Ottawa, halka haweeney kale oo Somali oo 23-jir lagu dhaawacay toogashadaasi.
Boliska Kanada ayaa sheegay inay Dembiilihii geystay Toogashadaasi ka baadi-goobayaan guud ahaan dalka Kanada, waxayna soo bandhigeen magaciisa iyo sawirkiisa.
Eedeysanaha oo Nin Madow ah waxaa magaciisa lagu sheegay Tristan Campbell, oo 34-jir ah.
Toogashadda lagu dilay, laguna dhaawacay Muwaadiniinta Soomaalida ayaa la sheegay inuu habeenkii Axadda ee isbuucan ka dhacay Koonfurta magaalladda Ottawa.
Dhinaca kale, Marxuum C/fataax Osman“Upti†oo ahaa Aabe 2-carruur leh ayaa la sheegay in Madaxa laga toogtay, halka Haweeneyda iyadana laga toogtay Caloosha lagu daaweynayo Ibsitaalka.
Si kastaba ha ahaatee, Toogashaddaasi ayaa ah tii 3-aad ee isbuucan ka dhacda dalka Kanada, iyadoo 14 Somali ah lagu dilay dalkaasi sannadkan 2018-ka.