HomeCaalamkaMuwaadin Soomaali oo ay Xuutiyiinta siiyeen dhalashadda Yemen oo lagu dilay dagaal

Muwaadin Soomaali oo ay Xuutiyiinta siiyeen dhalashadda Yemen oo lagu dilay dagaal

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Sarkaal ka tirsan Dowladda Yemen ayaa sheegay inay Maleeshiyadda Xuutiyiinta siinayaan Muhaajiriinta Soomaalida dhalashadda Yemen, si ay uga barbar dagaalamaan. Shabakadda Wararka ee bawabatii.com ee dalka Yemen waxay maanta oo Sabti ah qortay inay Ilo ka tirsan Dowladda dalkaasi xaqiijiyeen inay Maleeshiyadda Hubeysan ee Xuutiyiinta siinayaan Muhaajiriinta Soomaalida dhalashadda Yemen, si ay uga barbar dagaalamaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan Dowladda Yemen ayaa sheegay inay Maleeshiyadda Xuutiyiinta siinayaan Muhaajiriinta Soomaalida dhalashadda Yemen, si ay uga barbar dagaalamaan.

Shabakadda Wararka ee bawabatii.com ee dalka Yemen waxay maanta oo Sabti ah qortay inay Ilo ka tirsan Dowladda dalkaasi xaqiijiyeen inay Maleeshiyadda Hubeysan ee Xuutiyiinta siinayaan Muhaajiriinta Soomaalida dhalashadda Yemen, si ay uga barbar dagaalamaan Maleeshiyadooda.

- Advertisement -

Wakiilka Koowaad ee Gobalka Al-Xudeydah, Waliid Al-qadiimi ayaa sheegay inay Xuutiyiinta siiyeen Dhalashooyin Muhaajiriinta Soomaalida ee Tahriibka Badda lagu soo geliyey, si ay uga mid noqdaan, ugana barbar dagaalamaan Maleeshiyadda Xuutiyiinta, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wakiilka, Waliid Al-qadiimi waxa uu bartiisa Twitterka ku soo bandhigay Sawirka mid ka mid ah Muhaajiriinta Soomaalida oo ku biiray Kooxdaasi, kaasi la dilay isagoo ka barbar dagaalamayo Maleeshiyadda Xuutiyiinta.

Halkan ka akhriso qoraalka Wakiilka Koowaad ee Gobalka Al-Xudeydah

- Advertisement -

l-qadiimi waxa kale oo uu bartiisa Twitterka ku qoray in maleeshiyadda Xuutiyiinta qori caaradisia ku dagaal geliyaan, isagoo sheegay in Ninka uu sawirkiisa soo bandhigay lagu dilay meel ku dhow xuduudka Yemen la wadaagto Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara inay Muhaajiriinta Soomaalida ee Qaxootinimadda ugu nool gudaha dalka Yemen ku biiraan Maleeshiyadda Xuutiyiinta, si loo siiyo Dhaslashadda ama Muwaadinnimadda dalkaasi, maadaama aysan Koox Hubeysan oo aan Dowlad ahayn bixin Karin Dhalashadda rasmiga ee dalkaasi.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts