Sade Cabdi oo 28-jir ahaa ayaa la sheegay in habeenkii Sabtida ee la soo dhaafay lagu toogtay magaalladda Kansas ee Gobalka Missouri ee dalkaasi.
Boliska Kansas City ayaa sheegay inay baarayaan dilkaasi oo ah kii 58-aad ee sannadkan ka dhaca magaalladaasi.
Marxuumka waxaa maydkiisa laga helay gaari la dhigay meel barxad ah oo ku dhow albaabka laga galo Dhismooyin ku yaalla Deegaanka Northeast View Apartments.
Boliska waxay sheegeen inay arkeen Marxuumka oo dhaawacan oo dhinac yaalla gaari albaabkiisa furnaa, isla markaana uu wax yar ku geriyodoay Isbitaalka.
Shabakadda wararka Kansascity.com waxay ka soo xigatay Sarkaal ka tirsan Boliska in qof aan la aqoosanin uu toogtay Sade Cabdi, balse, Boliska weli dad uma soo xirin dilkaasi.
Haweeney ka mid ah dadka deggan goobta lagu dilay Marxuumka ayaa u sheegtay Boliska inay maqleen ilaa 5 xabbadood, isla markaana ay aad uga xumaadeen dhacdadaasi.
Dilka Marxuum Sade Cabdi waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Haweenka ku nool magaalladda Kansas City dhigayeen Dibadbax ay kaga soo horjeedaan dilalka, kuna baaqayeen in la mamnuuco hubka sharci-darradda loo haysto.