Muwaadin Somaliyed oo Loo Magacaabay Duqa Magaalada Sheffield Ee Dalka Ingiriiska

Muwaadin Somali ah oo horey usoo noqday qaxooti ayaa loo magacaabay Maayorka magaalada Sheeld ee dalka Ingiriiska.

Magid Magid, ayaa noqonaya qofkii Somali ah ee u horeeyay ee magaaladaas Mayor ama duq magaalo ka noqda waana 28 jir waxana uu noqonayaa Mayorkii ugu yaraa ee magaaladaasi.

Isagoo 5 sano jir ah ayuu yimaaday magaalada Sheeld kadib 6 bilood  isaga, walaalihii iyo Hooyadii ay kujireen xero qaxooti oo Itoobiya kutaala kadib markii ay Somalia kasoo tageen si ay u helaan nolol.

Tan iyo magacaabistiisii waxa uu sheegay inuu rajeynayo inuu isbedel wanaagsan uu sameeyo.

Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay dadkii doorka weyn ka qaatay isasoo sharixidiisa isla markaana soo garab istaagay.

Dhallinyaro Somaliyed oo dalka ka cararay mudadii burburka ayaa xilal muhiim ah ka qabtay dalalkii ay xilligaas magangelyada ka heleen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media