Muwaadin haysta dhalashadda Jarmalka oo lagu xiray Turkiga

Warbaahinadda Jarmalka ayaa sheegay in Muwaadin kale oo haysta Dhalashadda Jarmalka lagu xiray Turkiga, laguna soo oogay inuu faafinayey Dacaayad ka dhan ah Turkiga.

Ninkaasi oo asal ahaan u dhashay Turkish-ka oo magaciisa lagu soo koobay Osman B ayaa la sheegay in la xiray 9 maalmood ka hor, xilli uu doonayey inuu galo dalkaasi, wuxuuna wajihi karaa xabsi dhowr sanno ah.

Eedeysanaha oo 36-jir ah, ayaa loo haystaa inuu Bartiisa Facebook-ga ku faafiyey Dacaayad la xiriirta  Argagixisadda

Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Federalka Jarmalka waxay xaqiijiyeen Xarigiisa, iyagoo sheegay inay Safaaradooda ku taalla Ankara iyo Qunsuliyada magaalladda Antalya ku guda-jiraan xal-u-helista Kiiskaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media