Muwaadin Falastiini ah oo 40 sanno u xirnaa Israa’iil oo xabsiga laga sii daayey

Mahir Younis oo 63 jir ah ayaa Khamiis shalay aheyd laga sii daayey Xabsiga Kidar ee ku yaalla Koonfurta Israel, sida laga soo xigtay Hay’adda Mujtamaca ama Naadiga Maxaabiista Reer Falastiin (PPS).

Maxbuuska ayaa waxa uu muddo 40 sano ku xirnaa Xabsiyo ku yaalla Israel Halganka uu kaga soo horjeeday Qabsashada Israel ee Dhulalka Reer Falastiin.  Maher Younis waa Maxbuuskii ugu muddada dheeraa Caalamka oo dhan.

Waxa uu dib ugu laabtay gurigiisa oo ku yaalla Degmadda Carbeed ee Ara ee Bartamaha Israel, xilli Askar badan oo Israeli ah la dhigay Hoygiisa, si ay uga hortagaan nooc kasta oo isaga loogu dabaal degayo.

Tiro badan oo dad ah ayey u suurto-gashay inay gaaraan Gurigiisa, soona dhaweeyaan.

Maher Younis isagoo 22 jir ah ayaa laga qabtay Degmadda uu ka soo jeeda, waxayna Maxkamad Israeli ah Xukun ku riday bishii January 18-dii ee sanadkii 1983-dii, isagoo muddo 40 sano an ku soo nool qaatay Xabsiyada Israel.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor