Hargeysa: Muuse Biixi “ Wali Madaxweyne Siilaanyo ma saxiixin Heshiiska Saldhiga Berbera”

Gudoomiyaha xisbiga Kulimiye ee soomaaliland ahna Musharax madaxweyne Doorashada maamulkaas Muuse Biixi ayaa ka hadlay arinta ku adaan heshiiska soomaaliland ee la galeyso dowladda Imaaraadka, islamarkaana dhawaan golaha wakiilada soomaaliland ay ogolaadeen kadib soo jeedin uga timid madaxweyne Silaanyo, waxaana Siyaasiga soomaaliland ee muuse Biixi oo ah Kaaliyaha madaxweynaha maamulkaas uu sheegaya in Axmed Maxamed Maxamuud-silaanyo aanu saxiixin heeshiska ogolaanaya in Imaaraadka Saladhig millatari uu ka sameysto magaalada Berbera.

Biixi ayaa tilaamay in madaxweyne Silaanyo u yahay halgamaa wax badana uu u qabatay dadka soomaaliland,islamarkaana xisbi siyaasadeedka Kulmiye uu garab taaganyahay madaxweyne Silaanyo oo uu xusay in hormar weyn uu gaarsiiyey Soomaaliland.

“ Madaxweynuhu isaga oo dastuurku awood u siiyey inuu heshiis soo galo, kadibna ka ansixiyo golayaasha , wuxuu doorbiday isaga oo talo wadaag ah iyo tixgelinta dadkiisa eegaya, heshiiskii oo aanu weli saxiixin oo qabyo ah,  qodobadii uu kula soo heshiin lahaa dowladda aynu wax wada galeyno oo aanu weli isagu saxiixin ayuu soo hordhigay labada gole, waa waayeelnimo, waa dimoqraadiyad, wuxuu yiri ka taliya, ra’yigaas ayaa la’iila yimid, nimankaasi waxaa ay yiraahdeen aan halkaasi idinka kireysanno  qodobadaasi ayaan doonayaaye inaan la galee, labadii gole ee qaranka iyo sharci dejintow igala taliya, wixii xunna ka saara, wixii sax ahna igu raaca , hore looma arag Madaxweyne awooddiisa u gudbiyay sidaas oo kale”  Ayuu Yiri Muuse Biixi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media