Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha xilka ka degaya ee maamulka Somaliland, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Kulankan, oo ahaa mid salaam iyo xogwarran ah, ayaa muujinaya marxalad cusub oo siyaasadeed oo ka dhacday Somaliland, halkaas oo isbedelka awoodda si nabad ah loogu wareejinayo.
Kulanka labada madaxweyne ayaa sidoo kale waxaa ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, taas oo muujineysa in dhammaan hay’adaha dowladda iyo qaybaha muhiimka ah ee dalka ay si wada jir ah uga qayb qaateen howsha wareejinta xilka. Muuse Biixi ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, isagoo muujiyay in isbedelka siyaasadeed ee hadda socda uu yahay mid muhiim ah oo lagu ilaalinayo xasiloonida iyo horumarka Somaliland.
Madaxweynaha xilka ka degaya, Muuse Biixi, ayaa sidoo kale sheegay in wareejinta xilka madaxweynenimo ay noqon doonto mid si rasmi ah loo dhammaystiro, isagoo u ballanqaaday madaxweyne Cirro in maamulka uu wareejin doono si cadaalad ah.
Sidoo kale, Doorashadii dhawaan ka dhacday Somaliland, oo uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Cirro, ayaa la tilmaamay inay ahayd doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo u xaqiijisay in Cirro uu noqdo madaxweyne cusub oo hogaamin doona Somaliland.