Madaxweynaha Somaliland iyo wefdi uu hoggaaminayey oo maalmahan safar shaqo ku marayey qaar kamid ah gobollada Somaliland ayaa saaka kasoo ambabaxay magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, waxana si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyin iyo magaalooyin kala duwan oo ka tirsan gobollada Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex.
Ugu horrayn madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay safarkooda saaka ka bilaabeen kormeer shaqo oo ay ku tageen dugsiga hoyga ah ee Xaaxi oo katirsan gobolka Daad-madheedh, waxana uu madaxweynuhu u kuurgalay xaaladda Ardayda dugsigaas wax ka barata, isaga oo warbixin ka dhegaystay maamulka sare ee dugsigaas.
Madaxda degmada Bandar-wanaag iyo xubno kamid ah ganacsatada waaweyn ee deegaan oo hadallo kooban ka jeediyey madasha madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweynayey ka hadlay, ayaa ka xog-warramay xaaladda guud ee degmada iyo baahiyaha haysta bulshada deegaannadaas ku dhaqan, kuwaas oo ay ugu weyn tahay baahida loo qabo in talo midaysan laga yeesho waddada Oodweyne-Burco oo ah mid wax badan ka taraysa isu socodka gobollada bariga iyo galbeedka.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay shacabka reer Bandar-wanaag, ayaa ka mahadnaqay ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxana uu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in wax laga qabto baahiyaha lama huraanka ah ee degmada ka jira, waxana uu shacabka iyo ganacsatadaba ugu baaqay inay xil iska saaraan ka qayb-qaadashada baahiyaha bulsho ee halkaas ka jira oo aan dawladda oo kaliya lagu hallaynin.