HomeWararMuuqaal Video oo ay Daacish kaga hadashay Dagaalamayaashooda ku sugan Somalia.

Muuqaal Video oo ay Daacish kaga hadashay Dagaalamayaashooda ku sugan Somalia.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Kooxda Daacish ayaa soo saartay Muuqaal Video oo ay kaga hadashay Dagaalamayaashooda ku sugan Somalia iyo tallaabooyinka cadaadiska leh ee ay kala kulmaan Alshabaabka taabacsan Alqaacida. Muuqaalkaasi oo cinwaan looga dhigay “Abaalmarinta Xumaanta waa Xumaan” waxaa looga hadlay Xaalladda Somalia haatan ku jirto iyo dhibaatooyinka soo maray xubnaha taabaacsan Daacish ee ku dhaartay inuu Amiirkooda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxda Daacish ayaa soo saartay Muuqaal Video oo ay kaga hadashay Dagaalamayaashooda ku sugan Somalia iyo tallaabooyinka cadaadiska leh ee ay kala kulmaan Alshabaabka taabacsan Alqaacida.

Muuqaalkaasi oo cinwaan looga dhigay “Abaalmarinta Xumaanta waa Xumaan” waxaa looga hadlay Xaalladda Somalia haatan ku jirto iyo dhibaatooyinka soo maray xubnaha taabaacsan Daacish ee ku dhaartay inuu Amiirkooda yahay Amiirka Daacish, Sheekh Abu Bakar Albaqdaadi.

- Advertisement -

Muuqaalka Kooxda Daacish waxaa lagu soo bandhigay dhowr goos-goos ku aadan Dagaalkii Maraykanka ku qabsaday Somalia bilowgii sannadihii 90-aadka.

Muuqaalka waxaa lagu sheegay inay Alshabaab banaysteen inay xiraan, isla markaana dilaan Dhallinyaradda ku soo biirtay Kooxda Daacish, waa sida lagu xusay Fariinta Muuqaalka ee ay Kooxdaasi soo saartay.

Dhowr bilood ka hor, Hoggaamiyayaal iyo Dagaalyahanno ka tirsanaa Alshabaab ayaa sheegay inay ka goosteen Alshabaab, waxayna ku dhawaaqeen inay ku biireen Kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Ibraahim Cawadi Ibrahim Maxamed Al-badri oo lagu naanayso Abu Bakar Albaqdaadi.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah Dagaalamayaasha Ajaaniibta ee ka goostay Alshabaab, kuna biiray Daacish ayaa sheegay inay Alshabaab xireen ilaa 200 xubnood, oo ay ku jiraan Dagaalyahanno shisheeye ah oo badankooda ka soo kala jeeda Moroko iyo Sudan.

Hoggaamiyayaasha la sheegay inay ku biireen Kooxda Daacish waxaa ka mid ah Sheekh C/qaadir Muumin oo isaga iyo Maleeshiyadiisa ka hawlgalaan qeybo ka mid ah Puntland.

Waxaa kaloo ka mid ah Maxamed Kuno oo Somali-Kenyan oo ay isaga iyo boqolaal ka tirsan Garabka Jaysh Ayman sheegeen inay ku biireen Kooxda Daacish.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts