Muslimiinta Caalamka oo Maanta siweyn ugu dabaal degaya Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo

Guud ahaan Caalamka gaar ahaan dalka Soomaaliya ayaa Maanta siweyn looga ciidayaa Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo,iyada oo shalay inta badan dadku ay soomanaayeen.

Muslimiinta Caalamka ayaa iyaga oo Maanta ka duwan maalmihii hore aadna u labisan waxa ay isugu tagayaan Masaajida iyo Barxadaha Waaweyn iyaga oo halkaasi ku dukanaya Salaadi Ciida.

Muqdisho iyo Gobolo dalka ayaa siweyn looga ciidayaa waxaana laga dareemayaa Gobolada dalka Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo,in kastoo ay xusid mudan tahay in ay jiraan dadka qaarkood oo aan ka qeyb qaadaneyn farxada Ciida sababa la xiriira in aysan awoodin labiskii ay xiran lahaayeen kuwaas oo ah dadka barakacayaasha.

Madaxda qaranka sida, Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo,iyaga oo ugu baaqay in ay ka Shaqeeyan Nabada iyo qaranimadda.


 

Sponsered

Comments
Loading...