Musharrixii saddexaad ee Turkiga oo si rasmi ah u taageeray Erdogan

Musharaxa Madaxweyne ee Isbaheysiga ATA Sinan Ogan ayaa ku dhawaaqay in uu taageeri doono Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga AKP Recep Tayyip Erdogan wareega labaad ee doorashada Madaxtinimada.

“Waxaan ka dalbanayaa codbixiyeyaashii noo codeeyay inay sidoo kale taageeraan Mudane Recep Tayyip Erdogan,” ayuu yiri Ogan.

Sinan Ogan oo hadal ka jeediyay magaalada Ankara ayaa sheegay in door wax ku ool ah ay ka qaateen doorashada iyagoo helay 5.2 boqolkiiba codadka wareegii koowaad.

“Waxaan jabinay xaaladdii muhiimka ahayd ee lagu abuuray xisbiga HDP, waxaan ka dhignay wadaniyiinta Turkiga, waxaan ka qayb qaadanay in ay muuqato doorasho xoogan oo wadani ah oo ka dhacda Turkiga, waxaan ka dhignay musharaxiintii u soo baxday wareega labaad inay ku dheganaadaan hadalkeena.”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor