HomeWararMusharixiinta Loolanka Madaxtinimadda Galmudug oo ololihii ugu dambeeyey ku jira

Musharixiinta Loolanka Madaxtinimadda Galmudug oo ololihii ugu dambeeyey ku jira

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Xamaasadda Doorashadda Madaxtinimadda ee Madaxweynaha cusub ee Dowlad-gobaleedka curdanka ee Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa guud ahaan dalka Somalia, gaar ahaan Goballadda Dhexe.

Musharixiinta ayaa muujinaya Bandhigooda Siyaasadeed, si ay ugu guuleystaan Doorashadaasi oo dhici doono maalinta Sabtida ee soo socota.

Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug ayaana laga dhowrayaa inay u codeeyaan Musharaxa u qalma inuu hoggaamiyo Dowlad-gobaleedka KMG ee Galmudug ee laga yegleelayo Goballadda Dhexe ee Somalia.

Beesha Caalamka oo iyagy maalgelinayo Shirweynaha Maamul-u-samaynta Galmudug , waxay u riyaaqsan yihiin hannaanka ay ilaa iyo haatan wax ku socdaan iyo beegsiga ugu dambeeya ee lagu dooranayo Madaxweynaha Galmudug.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Kay waxa uu soo dhaweeyey Doorashadda Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, wuxuuna sheegay inay QM diyaar u tahay sidii uu ku najaxi lahaa Dhismaha Galmudug.

Markaynu u soo laabano Dhaqdhaqaaqyadda ka socda magaalladda Cadaado, waxaa maanta lagu hawlan yahay sidii loo soo xuli lahaa Guddiga Khaaska ee Maamulka Doorashadda Madaxweyninimadda Galmudug.

Musharixiinta ayaa la hadal-hayaa inay ku jiraan Siyaasiyiin caan ah, kuwo ku fashilmay Siyaasadda iyo kuwo Mar-la-arag ku ah Masraxa Siyaasadda ee Somalia, waana hubaal in ay Bulshadda Galmudug u han weyn yihiin Halyeey Waddani oo u qalma xilkaasi.

Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi oo horey u soo noqday Taliyihii Hay’adda Nabadsugidda Qaranka iyo Danjirihii  Somalia u joogay dalka Sudan ayaa hayinka u haya Musharixiinta u taagan Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories