Mushariixinta Madaxweynaha Puntland oo laga mamnuucay in ay isku-sawiraan Ciidamada ku sugan Tukaraq

Taliyaha Guud ee Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray Go’aan ka dhan ah Musharixiinta Madaxweynaha Puntland ee Sanada 2019 ee tegaya Furumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq Gobolka Sool.

Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa sheegay in marnaba musharixiinta aan loo ogoleyn in ay Ciidamada Sawiro la galaan markii ay tagaan furumaha dagaalka balse laga doonayo in ay wixii ay u qabanayaan Ciidamada si hoose ay ugu wareejiyaan Taliyeyaashooda.

Maalin ka hor ayaa waxaa deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool gaarey mid ka mid ah musharixiinta Madaxweynenimada Puntland,isla markaana xilli uu shidaakl ciidamada ugu deeqayey uu isku-sawiray taas oo keentay go’aanka ka soo baxay Janeraal Siciid Dheere.

“Musharxiinta ayaa booqan kara furumaha dagaalka,isal markaana wax allaala iyo wixii ay doonaan ayay geyn karan balse waa mamnuuc in la’isku-sawiro,iyada oo lacago iyo waxyaabo kale loogu deeqayo ayuu yiri taliyaha.

Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa weli isku-horfadhiya ciidamada Puntland iyo kuwa soomaliland halkaas oo dhowr mar ay ku wada dagaalameen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor