Musharaxiinta oo ka hadlay kulankii ay la qaateen Axmed Madoobe iyo Deni

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay kulan Maanta Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland kula yeesheen xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qoraal uu soo saaray Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka ay la qaateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni uu ahaa mid miradhal ah oo looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan dalka.

Siyaasiga ayaa sheegay kulanka inta uu socday looga wada hadlay sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, isla markaana la isla ogolyahay oo si nabad ah dalka SOomaaliya uga dhacday.

Sidoo kale Qoraalka uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayuu ku sheegay in mowqifka labada Madaxweyne Saciid Deni iyo Axmed Madoobe qaateen uu ku dheelitirnaa miisaanka siyaasadeed, uuna dalka ka badbaadiyey halis.

“Mowqifka ay labada madaxweyne ku dheelitirayaan miisaanka siyaasadeed wuxuu dalka ka badbaadiyey halis lagu damqin karo boogo aan weli bogsoonin” ayuu yiri CC Shakuur oo ka hadlaayay kulankii ay la qaateen Axmed Madoobe iyo Deni.

Mdaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa degay xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ee Magaalada Muqdisho, iyagoona qeyb galaya shirka Madaxda oo horey shuruudo adeg uga xireen ka qeyb galkiisa.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ah isbareysi ayaa kasoo horjeeda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waaxaana kulanka ay la yeesheen Musharaxiinta uu kusoo aaday, iyadaa xaaladda siyaasadeed ee dalka Cakiran tahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor