Musharaxiinta, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Deni oo kulan u socda

Magaalada Muqdisho gaar ahaan gudaha Xerada Xalane ayaa waxaa haatan uu kulan uga socdaa Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Kulanka Musharaxiinta iyo Madaxweyneyaasha Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Cakiran ee siyaasadeed dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Midowga Musharaxiinta iyo labada Madaxweyne maamul Goboleed ayaa sigaar ah diirada u saaraya sida lagu xalin karo khilaafka hareeyay doorashada 2021 iyo qaabka ay dowladda Federaalka ku dooneyso inay ku maamusho doorashada.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in dhinacyada ay ka arrinsan doonaan shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee la filayo inuu ka dhaco Teendhada Afisyooni, kaasi oo ay goobjoog ka noqoneyso Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore dalka Xasan Sheekh iyo  Sheekh Shariif Sh Axmed, RW hore Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/Shakuur Warsame iyo inta badan Midowga Musharaxiinta.

Mdaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa degay xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ee Magaalada Muqdisho, iyagoona qeyb galaya shirka Madaxda oo horey shuruudo adeg uga xireen ka qeyb galkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor