Musharaxiin Soomaali ah oo u tartamaya kuraasta golaha deegaanka ee Magaalada Toronto

Magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaa bisha October ee sanadkan ka qabsoomi doonta, doorashada duqa magaalada, golaha deegaanka iyo guddiga maamulaya iskuullada, iyada oo labaatan murashax ay u tartamayaan duqa magaalada Toronto.

John Tory oo siddeeddii sano ee lasoo dhaafay ahaa duqa magaalada ayaa markii saddexaad u tartamaya doorashada oo afartii sanaba mar la qabto.

Golaha deegaanka eeToronto ayaa ka kooban 25 xubin, murashixiinta kasoo baxa 25-ka xaafad ee deegaan doorasho ayaa 4-ta sano ee soo socota matali doona magaalada.

Barri oo jimco ah ayay ku egtahay muddada loo qorsheeyay isdiiwaan gelinta murashixiinta.

Toronto, waa magaalo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Canada, laakiin ilaa iyo hadda dhanka Soomaalida, waxaa is diiwaan geliyay si uu ugu tartamo golaha deegaanka Cabdikariim Cumar oo kamid ah dhallinyarada ku koray magaaladaasi.

Cabdikariim oo ka tartamaya xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee York South-Weston, gaar ahaan qeybta 5-aad ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay tartanka,xili uu warbaahinta la hadlayay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor