Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey inay Musharixiinta u tartamaysay Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka adeegsadeen Jeegag Lacageedyo Been Abuur ah oo aan ka diiwaan gashnayn Bangiyada iyo Xawaaladaha ka hawl-gala Somalia.
Musharixiin ayaa la sheegay inay Ergooyinkii soo doortay siiyeen Jeegag Lacageed oo aan sax ahayn, iyadoo Labadii isbuuc ee la soo dhaafay la arkayey Ergooyin wata Jeegagaasi oo isku ciriirinaya Bangiyadda Premier Bank, Salaama Bank iyo Dahabshiil Bank.
Ergooyinka ayaa ka cabanayey Jeegaga been Abuurka ee lagu soo khiyaanay iyo Lacag-xisaabeedyadda (Account)-yadda ay ka dhamaadeen Lacagaha Musharixiinta horey ugu jiray.
Jeegagaasi ayaa la soo qoray xilli ay waqti kooban ka harsanaayeen si ay Ergooyinka u codeeyaan Musharixiinta la dooranayey.
Weriyayaal ka tirsan Radio Dalsan ayaa arkay qaar ka mid ah Ergooyinka oo Jeegagaasi Been Abuurka ah la soo galay Xarumaha Bangiyadda ku yaalla magaalladda Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, Ergooyin badan oo ku haminayey inay Kumanaan Dollar ku heleen U-codeynta Musharixiinta ay isku haybta yihiin ayaa haatan la yurura Jeegag-lacageed macmal ah (Fake cheques).
©Radio Dalsan