Musharax Madaxweyne Alxaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil: “Waa Ayaan-darro in Dowladda Ethiopia oo faragelin ku haysa Somalia damiin laga dhigto”.

Alxaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil  ayaa tilmaamay in loo baahan yahay inay Ummadda Soomaaliyeed wax badan ka tusaale qaataan Marxalladihii Adkaa ee la soo maray, isagoo sheegay in dhibaatadda na haysata ka timid iyadoo aan Dastuur laga dhiganin Ku-dhaqanka Shareecadda Islaamka.

Musharaxa oo Wareysi uu siiyey Golaha 88 la soo dhigay barta YouTube-ka waxa uu tilmaamay inuu Ilaahay ku nicmeeyey Ummadda Soomaaliyeed wax aysan haysanin Dadyowga kale ee Muslimka ah, wuxuuna tusaale u soo qaatay Nimcadda dadka Soomaalida oo wada Muslim ah, Isku Luqad ah iyo inuu Rabbi ku galadaystay Barwaaqadda iyo Hodantinimadda Badda iyo Berriga Somalia.

Alxaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil waxa kale oo uu Wareysigiisa kaga hadlay Siyaasadda Dowladdaha deriska, gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya ka leeyihiin Mustaqbalka Somalia, wuxuuna tilmaamay inay Dowladahaasi juhdi badan geliyeen Faragelinta Arrimaha Somalia iyo inay colaado ka dhex abuuraan Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in Dowladda Ethiopia mar kasta ka fekeri jirtey sidii ay Somalia u kala qeybin lahaayeen, si aysan dib u hanin Awooddii Dagaalkii 77-ka iyo  Halgankii Axmed Gureey oo kale.

Musharax Madaxweyne Alxaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil waxa kaloo uu si kulul u naqdiyey Siyaasi  door biday inay Dowladda Ethiopia damaanad-qaad uga noqdaan  Hirgelinta Heshiiskii Nidaamka Doorashadda ee la saxiixay, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay fal meel-ka-dhac ku ah Sharafta iyo Jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

“Waa Dhacdo Taariikhi oo ay Jiilalka dambe wax ka qori doonaan. Waxaana gef ahayd in iyadoo Ergayga QM joogay madasha in Ethiopia laga dhigto Damaanad-qaade” ayuu yiri Musharax Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil.
Alxaaji Maxamed YaasiinUgu dambeyntii, Siyaasigan oo xilka Madaxweyne isugu soo taagay  Doorashaddii 2012-kii ayaa waxa uu haatan sheegay inuu yahay Musharax Madaxweyne, wuxuuna xusay haddii uu ku guuleysto Xilkaasi inuu Ummadda Soomaaliyeed ku hagi doono Ku-dhaqanka Shareecadda Islaamka, Midnimadda, Nabadaynta, Horumarka iyo in Fursado Shaqo loo abuuro Dhallinyarradda aan shaqada haysanin iyo in la horumarinayo Moraalka Ciiddanka Qaranka.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor