HomeWararMurashixiin Madaxweyne Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Cosoble oo ay caawa  u shidan...

Murashixiin Madaxweyne Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Cosoble oo ay caawa  u shidan tahay.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Mashquulkii iyo Saxmaddii ugu ballaarnayd ayaa waxaa laga dareemayaa Hotelka Jazeera Palace Hotel oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho. Ku-dhawaad 100-Xildhibaan ayaa waxay caawa casho wada-sheekeysi la leeyihiin Saddexda Murashax Madaxweyne ee kala ah Sheekh Shariif Sh.Axmed, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo C/qaadir Cosoble Cali. Xubnaha Murashixiintaasi ugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mashquulkii iyo Saxmaddii ugu ballaarnayd ayaa waxaa laga dareemayaa Hotelka Jazeera Palace Hotel oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Ku-dhawaad 100-Xildhibaan ayaa waxay caawa casho wada-sheekeysi la leeyihiin Saddexda Murashax Madaxweyne ee kala ah Sheekh Shariif Sh.Axmed, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo C/qaadir Cosoble Cali.

- Advertisement -

Xubnaha Murashixiintaasi ugu qaabilsan Ololaha Doorashadda iyo  Taageerayaashooda ayaa iyagana dadaal ugu jira inay Xildhibaanadda ku qanciyaan xodxodasho iyo Ballan-qaadyo kale.

Dhaqdhaqaaqa caawa ka socda Hotelka Jazeera Palace ayaana lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu ballaarnaa ee Murashixiinta iyo Xildhibaanadda isku arkaan, tan iyo markii la bilaabay Ololaha Doorashadda.

- Advertisement -

Siyaasiyiin u muuqda Dulaaliin ayaa Murashixiinta iyo Xildhibaanadda u kala dab-qaadayo iyo  Gorgortanka dhinaca Codadka, si ay  Xildhibaanadda codadkooda u hibeeyaan Murashaxa ay taageersan yihiin ee ay Is-fahamka gaareen.

23-Murashax Madaxweyne ayaa la filayaa inay bishan February 8-da oo ku beegan maalinta Arbacadda ee soo socota.ku kala baxaan Doorashadda Madaxweynaha 9-aad ee JFS.

Si kastaba ha ahaatee, Caawa Hotelka Jazeera ayey ka shidan tahay, waxayna Murashixiinta Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Cosoble muujinayaan inay xeellad kasta ku kasbadaan codadka Xildhibaanadda ugu badan Xildhibaanadda codeyn doonta.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts